DEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Bishii March Premeir League Oo La Soo Saaray

Premier League ayaa soo saaray liiska xiddigaha u tartami doona Xiddiga ugu fiican bisha March ee horyaalka premier League kadib bil la ciyaaray kulamo xiiso leh horyaalka premier League.

8 Xiddig ayaa u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican ee premier League kuwaas oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah bishii la soo dhaafay ee March.

Andreas Christensen (CHE)

Daafaca dhexe ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli uu kooxdiisa ka caawiyay in aan laga badin bishii March ee horyaalka premeir League iyaga oo ciyaaray kulamo ay ka mid yihiin Liveprool iyo Everton

Kelechi Iheanacho (LEI):

Xiddiga reer Nigeria ayaa dhankiisa soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah isaga oo leicester City ilowsiiyay maqnaanshaha xiddigaha James Maddison iyo Harvy Barnes kuwaas oo dhaawac ku maqnaa isaga oo dhaliyay 5 gool xilli uu saddexley ka dhaliyay kooxda Sheffield United.

Harry Kane (TOT):

Xiddiga Kane ayaa ku lug lahaa 5 gool bishii la soo dhaafay isaga oo 3 gool dhaliyay 2 kalena caawiye ka noqday kulamadii horyaalka ee uu ciyaaray kana mid ahaayeen Crystal Palace iyo Aston Villa.

Jesse Lingard (WHU):

Lingard aya sii wada qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu ku bilowday noloshiisa west Ham waxana uu dhaliyay 2 gool sidoo kale 3 caawin ka noqday isaga oo aan ciyaarin kulankii ay kooxdiisa West Ham ka hor tagtay kooxda uu Amaahda uga maqan yahay ee Man United.

Riyad Mahrez (MCI):

Xiddiga Man City ayaa dhaliyay gool qurux badan kulankii ay Man City garaacday Wolves ka hor intii uuna 2 gool dhalin kulankii Southampton ee ay City ku badisay 5/2.

Illan Meslier (LEE):

Goolhayaha Leeds United ayaa sameeyay badbaadinta ugu badan bishii March isaga oo sameeyay 16 badbaadin kooxdiisana ka caawiyay in ay bar-baro la gasho Chelsea iyo Fulham.

Luke Shaw (MUN):

Xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ayaa door weyn ka qaatay in ay Man United shabaqa ilaashato guushii ay ka gaadhay Man United kooxda Man City isaga oo sidoo kale dhaliyay gool muhiim u ah kooxdiisa.

Leandro Trossard (BHA):

Trossard ayaa muhiim ka ahaa kooxda Brighton bishii March iyaga oo guulo ka gaadhay kooxaha Southampton iyo Newcastle labadoodabana goolal ka dhaliyay.

Sii Akhriso: Kalmado La Mid Ah Waan Ku Jecelahay Laakiin Ka Fiican, Kana Qoto Dheer, U Isticmaal Qofka Aad Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*