DEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Bishii December Oo La Soo Saaray.

8 Xiddig ayaa ku tartami doona abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa bishii December ee horyaalka premier League.

Xiddigaha ayaa ah kuwii qaab ciyaareedka cajiibka ah soo bandhigay intii lagu jiray bishii ugu dambaysay sanadka 2020.

Anwar El Ghazi (AVL):

Xiddigan ayaa muhiim u ahaa guulihii ay kooxda Aston Villa gaadhay bishii December isaga oo dhaliyay goolal ay kooxdiisu guul ku gaadhay kooxda Wolves ka hor inta uuna 2 gool ka dhalin kooda West Brom, waxana uu sidoo kale goolal ka dhaliyay kooxaha Crystal Palace iyo Chelsea.

Bruno Fernandes (MUN):

Fernandes ayaa door weyn ka qaatay guul soo laabasho leh oo ay kooxdiisu ka gaadhay West Ham qaybtii dambe isaga oo sidoo kale caawin sameeyay kulankaas ka hor inta uuna 2 gool iyo caawin samayn kulankii ay United guusha weyn ka gaadhay Leeds United waxana uu sidoo kale ku lug lahaa golal ay kooxdiisu dhalisay kulamadii Crystal palace iyo Wolves.

Emiliano Martinez (AVL):

Goolhaye Martinez ayaa kooxdiisa Aston Villa u ilaaliyay shabaqa bishii December waxana uu sameeyay 22 badbaadin waana rikoodh uu kaga fiicnaa dhamaan goolhayaasha kale ee premier League bishii.

Ben Mee (BUR):

Kabtanka Burnley ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay 3 kulan shabaqooda ilasshadaan halka kaliya hal gool laga dhaliyay 3-dii kale ee ay kooxdisu ciyaartay.

Marcus Rashford (MUN):

Xiddiga Man United ayaa ahaa xiddigii 2-aad ee goolasha ugu badan dhaliyay bishii December isaga oo shabaqa soo taabtay 5 jeer isaga oo goolal ka dhaliyay kooxaha West Ham, 2 gool oo Sheffeild United ah iyo gool Wolves ah.

Mohamed Salah (LIV):

Salah ayaa ah xiddiga kale ee goolasha ugu badan dhaliyay bishii December isaga oo dhaliyay 5 gool xilli uu 13 gool ku hogaaminayo gool dhalinta.

Waxa uu goolal ka dhaliyay kooxaha Wolves, Fulham, Tottenham iyo 2 gool oo uu ka dhaliyay kooxda Crytal Palace.

Tomas Soucek (WHU):

Xiddiga khadka dhexe ayaa muhii ka noqday kooxda West Ham isaga oo dhaliyay 3 gool markaas oo uu goolal ka dhaliyay Man United, Leeds United iyo Brighton.

John Stones (MCI):

Daafaca dhexe ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisa waxana uu ciyaaray 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ay City ciyaartay Bishii December waxana uu shabaqiisa ilaashaday dhamaan kulamadaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*