DEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka Ee Abaalmarinta PFA Oo La SOo Saaray

Xidhiidhka Xirfadlayaasha kubada cagta England ayaa soo soo saaray Liiska xiddigaha u tartami doona Abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League ee abaalmarinta ay bixiso xiddigah PFA oo loo soo gaabiyay magaca xidhiidhka xirfadlayaasha Kubada cagta ee “Professional Footballers’ Association”.

Liiska xiddigaha u tartamaya abaalmarinta ayaa ah 6 xiddig oo ka mid ah xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Kooxda ku guulaystay premier League ee Liverpool ayaa xiddigaha ugu badan ku leh liiska iyaga oo ku leh 3 xiddig oo kala ah Trent Alexander-Arnold, Virgil Van Dijk iyo xiddiga garabka ka ciyaara ee Sadio Mane.

Dhanka kale kooxda Man City ayaa ku leh 2 xiddig kuwaas oo kala ah Kevin De Bruyne iyo Raheem Sterling kuwaas oo ku tartamaya abaalmarinta.

Ugu dambayn waxa ku jira Liiska xiddiga weerarka uga ciyaara Leicester City ee Jamie Vardy kaas oo ah guulaystihii Gool dhalinta prmeier League.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa dhankooda ka qayb qaadan kara codaynta iyaga oo u codayn kara xiddiga ay u arkaan midka u qalma abaalmarinta.

Xidhitaanka Abaalmarinta ayaa xidhmi doonta 17 bishan haatan lagu jiro ee August taas oo la macno ah in ay xidhmi doonto 4 maalin kadib Halkan Hoose ku dhufo si aad u codayso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*