DEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican premier League Bishii September Oo La Shaaciyay.

6 Xiddig ayaa loo doortay in ay u tartamaan xiddiga ugu fiican horyaalka premier League bisha September ee haatan sii dhamaanaysa.

Waxa la ciyaaray bisha September kulamo xiiso leh oo premier League waxana jira xiddigo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii bisha.

Shirkada EA SPORTS oo bixisa abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League ayaa la soo saaray xiddigaha u tartami doona abaalmarinta.

Xiddigaha Philip Billing (Bournemouth), Kevin De Bruyne (Man City), Pierre-Emile Hojbjerg (Tottenham), Alex Iwobi (Everton), Jacob Ramsey (Aston Villa) iyo Marcus Rashford (Man United) ayaa ah xiddigaha u tartami doona abaalmarinta.

Xiddigaha ayaa ah kuwa qaab ciyaareedka ugu fiican soo bandhigay bisha September waxana ay u tartami doonaan in ay ku guulaystaan abaalmarinta.

Xiddiga ku guulaysta abaalamrinta ayaa lagu dhawaaqi doonaa todobaadka dambe marka codaynta la xidho Maalinta Isniinta ee ku beegan 26 bishan haatan lagu Jiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*