DEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Ee EA SPORTS Xilli Ciyaareedka Premier League Oo la Soo Saaray.

Xilli ciyaareedka 2021/2022 ayaa si Rasmi ah u soo xidhmaya iyada oo haatan ka dhimantahay 2 kulan oo kaliya in la soo afjaro xilli ciyaareedka premier League.

Siddeed ciyaaryahan ayaa loo magacaabay abaalmarinta EA SPORTS ee xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka 2021/2022.

Xiddigaha u tartamaya abaalmarinta ayaa ah xiddigigii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan iyada oo lagu shawaaqi doono abaalmarinta 16 bisha May ee haatan lagu jiro.

Trent Alexander-Arnold (LIV):

Daafaca dambeedka midig ee Liverpool ayaa gacan ka geystay labada dhinac ee garoonka isaga oo ah daafaca Midig ee ugu fiican xilli ciyaareedka waxana uu dhaliyay 2 gool halka uu caawiye ka noqday 12 kale.

Jarrod Bowen (WHU):

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa ah xiddiga 2-aad ee kooxda West Ham ee dhaliyay 10 gool sidoo kale caaiye ka noqday 10 kale premier League xilli ciyaareedkan waxana uu kooxda West Ham u ahaa mid muhiim ah xilli ciyaareedkan oo dhan.

Joao Cancelo (MCI):

Xiddiga reer Portugal oo ka ciyaari kara labada garab ee difaaca ayaa kooxda Man City ka caawiyay in ay ku dhawaato horyaalka premier League isaga oo dhaliyay 8 gool 8 kalena caawiye ka noqday.

Kevin De Bruyne (MCI):

Xiddiga khadka dhexe oo abaalmarinta ku guulaystay xilli ciyaareedkii 2019/2020 ayaa isha ku haya in uu noqdo xiddigii 4-aad ee abaalmarinta ku guulaysta wax hal mar ka badan waxana uu dhaliyay 15 gool iyo 8 caawin xilli ciyaareedan.

Bukayo Saka (ARS):

Xiddiga 20 jirka ah ayaa ahaa xiddiga ugu muhiimsan kooxda Arsenal waxana uu ka caawiyay in ay kooxdiisu u tartanto boosaska loogu soo boxo champions League waxana uu dhaliyay 11 gool halka uu caawiye ka noqday 6 kale.

Mohamed Salah (LIV):

Xiddiga oo ku guulaystay abaalmarinta xilli ciyaareedkii 2017/2018 ayaa isha ku haya mar kale abaalmarintan kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay isaga oo dhaliyay 22 gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 14 gool oo kale.

Son Heung-min (TOT):

Kadib markii uu dhaliyay 21 gool Son ayaa ku jira xilli ciyaareedkiiisii ugu fiicnaa premier League waxana uu kaliya hal gool ka dambeeyaa xiddiga Salah xilli uu isha ku hayo ku guulaysiga gool dhalinta.

James Ward-Prowse (SOU):

Kabtanka Southampton ayaa isha ku haya abaalmarinta kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan iyada oo 4 ka mid ah 9-ka gool ee uu dhaliyay ay ka yimaadeen laadka xorta ah.