DEG-DEG: Xiddigaha Ku Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Premier League Ee Bisha Oo La Shaaciyay

Premier League ayaa shaaciyay xiddigaha u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican bisha ee horyaalka premier League.

Liiska waxa ku tartamaya 6 xidig kuwaas oo ah xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay horyaalka premier League bisha September oo haatan dhamaadka ah.

Waxa Liiska Hogaaminaya xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah kuwaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulamadii ay ciyaareen bishan premier League.

Sidoo kale Liska waxa ku jira xiddigaha Joao Cancelo, Antonio Rudiger, Allan Saint-Maximin Iyo Ismaila Sarr kuwaas oo dhankooda qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay premier League.

Abaalmarinta ayaa lagu dhawaaqi doonaa 4 bisha October iyada oo ay abaalmarinta xiddigaha ku guulaysan doonaan qiimayn doonaan khabiiro kubada cagta ah.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*