
Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican sanadka ee abaalmarinta ay codeeyaan taageerayaasha.
Mohamed Salah ayaa abaalmarinta ku garaacay 6 xiddig oo kale oo Premier League ah kuna guulaystay abaalmarinta oo sanadkan la bixiyay markii ugu horaysay.
Xiddiga reer Masar ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah sanadkan isaga oo Liverpool ku hogaamiyay horyaalka premier League.
Salah ayaa dhaliyay Liverpool u dhaliyay 19 gool iyo 10 caawin xilli ciyaareedkii hore kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.
Salah ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkan ku bilowday qaab ciyaareed fiican isaga oo dhaliyay 12 gool horyaalka premier League.
Mohamed Salah Ayaa baalarinta ku garaacay xiddigaha Jack Grealish oo kaalinta 2-aad galay Marcus Rashford oo kaalinta 3-aad galay, Kevin De Bruyne oo kaalinta 4-aad galay iyo xiddigaha Liverpool ee Jordan Henderson, Sadio Mane iyo Virgil Van Dijk oo kala galay 3-da boos ee ugu dambeeya.
Kooxaha ayaa sidoo kale u codeeyay xiddigooda ugu fiican sanadkan halkan hoose kaga bogo xiddiga ay koox walba u codaysay:
- Arsenal – Bukayo Saka
- Aston Villa – Jack Grealish
- Brighton – Tariq Lamptey
- Burnley – Nick Pope
- Chelsea – Mason Mount
- Crystal Palace – Wilfried Zaha
- Everton – Dominic Calvert-Lewin
- Fulham – Aleksandar Mitrovic
- Leeds – Kalvin Phillips
- Leicester – Jamie Vardy
- Liverpool – Mohamed Salah
- Manchester City – Riyad Mahrez
- Manchester United – Bruno Fernandes
- Newcastle – Allan Saint-Maximin
- Sheffield United – John Egan
- Southampton – Danny Ings
- Tottenham – Son Heung-min
- West Brom – Matheus Pereira
- West Ham – Declan Rice
- Wolves – Raul Jimenez
Be the first to comment