DEG-DEG:: Xiddiga Ku Guulaystay Xiddiga Ugu Fiican Premier League Bishii September Oo La Shaaciyay

Xiddiga kooxda Everton ee Dominic Calvert-Lewin ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican bishii September ee horyaalka Premier League.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan Premier League isaga oo dhaliyay 5 gool kooxdiisana ka caawiyay in ay badiso 3-da kulan ee ugu horeeya markii ugu horaysay tan ilaa 1993/1994.

Kadib qaab ciyaareedkiisa xiddiga ayaa loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa ee premier League bishii September ee la soo saaray isaga oo noqday xiddigii ugu horeeyay ee Everton ah ee ku guulaysta abaalmarinta tan ilaa Romelu Lukaku bishii March 2017.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha James Rodriguez, Patrick Bamford, Timothy Castagne, Harry Kane, Tariq Lamptey, Sadio Mane & Jamie Vardy.

Calvert-Lewin wins September's EA SPORTS Player of the Month

Sii Akhriso: Maxaa Iska Badalaya Heshiiskii Somaliland & Khaatumo?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*