DEG-DEG: Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Premier League Bishii September Oo La Shaaciyay.

Xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican bishii September ee la soo dhaafay premier League.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 3 gool kulamadii uu ciyaaray premier League bishii la soo dhaafay waxana uu markii 5-aad ee taariikhdiida ku guulaystay abaalmarinta.

Ronaldo ayaa 2 gool ka dhaliyay kulankii Newcastle ee premier League kadib markii uu kulankii ugu horeeyay u ciyaaray kooxda kadib ku soo laabashadiisii.

Kadib CR7 ayaa dhaliyay gool kulankii West Ham isaga oo koxdiisa ku hogaamiyay 3 dhibcood oo muhiim ah xilli ay Red Devils guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Hummers.

Cristiano Ronaldo ayaa abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League ku garaacay xiddigaha  Joao Cancelo, Antonio Rudiger, Allan Saint-Maximin, Mohamed Salah & Ismaila Sarr.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: La Wadaag Qofka Aad Jeceshahay Fariimahan Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*