DEG-DEG: Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Bishii October Ee Premier League Oo La Soo Saaray.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Son Heung-min ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa premier League bishii la soo dhaafay ee October.

Xiddiga Tottenham ayaa dhaliyay 3 gool isaga oo hogaaminaya tartanka gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Son ayaa qaab ciyaareeed cajiib ah soo bandhigay kulankii Ay kooxdiisu 6/1 uga badisay kooxda Man United isaga oo dhaliyay 2 gool mid kalena caawiye ka noqday.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa sidoo kale gool iyo caawin sameeyay kulankii West Ham ka hor intii uuna gool wakhti dambe ah dhalin kulankii Burnley.

Son ayaa ku kuulastay abaalmarinta markii 3-aad ee taariikhdiida premier League kadib markii uu horay ugu guulaystay September 2016 & April 2017.

Xiddiga ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Harry Kane, Che Adams, Conor Coady, Pablo Fornals, Jack Grealish, Thiago Silva Iyo Kyle Walker.

Son earns EA SPORTS Player of the Month award

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*