DEG-DEG: Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Ee PFA Ee Ay Taageerayaashu Codeeyaan Oo La Soo Saaray.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guulaystay abaalmarinta PFA ee ay taageerayashu codeeyaan xilli ciyaareedka premier League.

Mohamed Salah ayaa abaalmarinta ku guulaystay kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo qaatay kuna dhaliyay 22 gool iyo 5 caawin oo uu sameeyay.

Qaab ciyaareedka Mohamed Salah ayaa kooxda Liverpool ka caawiyay in ay ku dhamaystaan kaalinta 3-aad sidoo kale keentay in uu ka qayb ahaado shaxda ugu fiican.

Waa xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah oo uu xiddig Liverpool ah ku guulaysto abaalmarinta kadib markii uu Sadio Mane ku guulaystay abaalmarinta xilli ciyaareedkii hore.

Mohamed Salah ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Bruno Fernandes, Kevin De Bruyne, Patrick Bamford Iyo Ollie Watkins

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*