DEG-DEG: Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Premier League Ee Abaalmarinta FWA Oo La Soo Saaray

Uruka Qorshayaasha kubada cagta ayaa kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson u doortay xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka 2019/2020.

Henderson ayaa Abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Kevin De Bruyne, Sadio Mane Iyo Raheem Sterling oo sanadkii hore ku guulaystay abaalmarinta.

Henderson oo ku guulaysiga abaalmarinta ayaa yidhi” Waxa aan jeclaan lahaa in aan u mahad celiyo dadka i taageeray iina codeeyay in aan ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican ee abaalmarinta ay bixiso ururka qorayaasha kubada cagta”.

Henderosn ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa laf dhabar u ahaa kana caawiyay ku guulaysiga horyaalka.

Waxa xusid mudan in abaalmarintan tahay midii ugu horaysay ee la bixiyo xilli ciyaareedkan waana abaalmarin sanadle ah oo ay saxafiyiinta England ku doortaan xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedkan.

Abaalmarintan sanadkii hore waxa doortay xiddiga kooxda Man City ee Raheem Sterling kaas oo xilli ciyaareedkan ka mid ahaa kuwii u tartamayay.

Henderson ayaa ku biiray xiddigo dhawr ah oo Liverpool horay ugu soo guulaystay abaalmarinta sida Stevie Gerrard, Luis Suarez Iyo Mohamed Salah.

Sii Akhriso: XASAASI: Somaliya Oo Ciidamo U Dirtay Dalka Liibiya Oo Uu Dagaalka Xoogan Ka Socdo & Hooyooyin Xaqiijiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*