DEG-DEG: Xiddig Real Madrid Ah Oo Laga Helay Xanuunka Korona.

Xanuunka Korona ayaa markan weerar ku qaaday kooxda Difaacanaysa horyaalka La Liga ee Real Madrid iyada oo xanuunka laga helay xiddig u ciyaara kooxda Los Blancos.

Daafaca Real Madrid Eder Militao ayaa laga helay xanuunka Korona ka hor kulankooda champions League ee ay la ciyaari doonaan kooxda Inter Milan.

“Ciyaaryahankeena Eder Militao ayaa laga helay xanuunka Korona kadib baadhitaan lagu sameeyay”ayay Real Madrid ku qortay webkeeda.

Kadib natiijada xiddiga kooxda RealMadrd ayaa sheegtay in ay baadhay dhamaan xiddigaha, shaqaalaha tababarka iyo waliba masuuliyiinta kale ee kooxda kuwaas oo dhamaantood laga waayay xanuunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*