DEG-DEG: Xiddig La Xaqiijiyay In Uu Ka Tagayo Liverpool Oo Ku Biiray Koox Premier League.

Kooxda Tottenham ayaa heshiis afka ah la gaadhay xiddiga Andy Robertson kaas oo ay kala wareegayso kooxda Liverpool.

Andy Robertson ayaa heshiis afka ah la gaadhay kooxda Tottenham isaga oo kooxda ku biiraya xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Robertson ayaa imanaya maalmo yar kadib markii ay Liverpool xaqiijisay in uu ka tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tottenham ayaa isku dayday saxiixa Robertson xagaagii hore Iyo waliba suuqii January laakiin uma suurtagalin in ay dhamaystirto heshiiska.

Si kasta ha ahaatee heshiiska Robertson ayaa dhamaystiri doona heshiiska hadii ay Tottenham ka badbaado ka hadhista premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga