DEG-DEG: Xiddig Ka Dhaawacmay Liverpool

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Thiago Alcantara ayaa lagu soo waramayaa inuu soo gaaray dhaawac cusub ka dib markii uu ka soo laabtay dhaawac sinta ah oo uu muddo la sugayay.

Ciyaaryahankii hore ee Bayern Munich iyo Barcelona ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday Liiska kooxda ee kulamada markii ugu horaysay tan iyo bishii April kulankii ay guuldarada 3-1 ka soo gaartay Arsenal isbuucii hore, isagoo dhaawac sinta ah ku maqnaa.

Thiago ayaa si lama filaan ah loogu magacaabay kursiga keydka safarkii Emirates, laakiin waxaa loo arkayay inuu taam ku filan yahay dhamaadkii ciyaarta, isagoo bedelay Joe Gomez.

Inkastoo kaliya uu garoonka ku jiray daqiiqado, The Athletic ayaa ku warameysa in Thiago uu soo gaaray dhibaato muruqa ah mudadii koobneyd ee uu ku sugnaa garoonka Emirates, waxaana uu u sheegay shaqaalaha caafimaadka ciyaarta ka dib.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga