DEG-DEG: Xiddig Chelsea U Ciyaara Oo Uu Dhaawac Soo Gaadhay Lagana Saaray Xulka Qarankiisa

Xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda chelsea ee Ben Chilwell aya laga saaray waajibaadka xulka qarankiisa gaar ahaan kulanka uu England la ciyaari doono Denmark kadib dhaawac soo gaadhay.

Ben Chilwell ayaa seegay kulankii Belguim waxana haatan la xaqiijiyay in laga saaray Liiska xulka qaranka England sabab la xidhiidha dhaawac lugta ka soo gaadhay.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Chelsea marka loo eego in uu xiddigu dhawaan ka soo kacay dhaawac uu ku seegay bilowgii xilli ciyaareedka chelsea.

Inta uu dhaawacu leegyahay ayaan ilaa haatan la garanayn laakiin waxa uu taam u noqon waayay kulanka Arbacada ee uu xulka England la ciyaari doono xulka Denmark.

Lampard iyo Chelsea ayaa wadnaha farta ku haya iyaga oo rajaynaya in uuna dhaawaca xiddigu noqon mid uu muddo kaga maqnaado garoomada.

Sii Akhriso: Kenya Oo 3 Shardi Ku Xidhay In Ay Ciidamadeeda Kala Baxdo Somaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*