DEG-DEG: Willian Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Arsenal & Faah-Faahinta Heshiiska

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willian ayaa ogolaaday heshiis 3 sano ah oo uu ugu biirayo kooxda Arsenal todobaadkiina ku qaadan doono 100 kun oo Gini sida ays sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Brazil ayaa diiday dalab 2 sano ah oo ay chelsea doonaysay in ay heshiis cusub kaga saxiixato isaga oo doonaya 3 sano ah.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay Arsenal haatan ku guulaystay saxiixa xiddiga reer Brazil kaas oo si xor ah ugu biiri doona todobaadka dambe.

Xiddiga 32 jirka ah ee  Willian ayaa qalina ku duugaya heshiis 3 sano ah oo uu todobaadkii ku qaadan doono 100 kun Gini.

Isla wargayska ayaa sheegaya in Arsenal wax walba dhamaystirtay oo heshiiska ah kaliyana sugayso inta uu xiddigu ciyaarayo kulanka champions Leageue ee ay chelsea la ciyaari doonto Bayern Munich.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*