DEG-DEG: Willian Oo Ku Baasay Tijaabada Caafimaadka Arsenal.

Xiddiga Willian ayaa lagu soo waramayaa in uu ku baasay tijaabada caafimaadka Kooxda Arsenal ka hor inta uuna si Rasmi ah ugu biirin Gunners todobaadkan.

Xiddiga reer Brazil ayaa Axadii xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Chelsea kadib 7 sano oo uu joogay kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Wargayska Evening Stander ayaa haatan sheegaya in uu Willian ku baasay tijaabada caafimaadka ka hor inta uuna dhamaystirin ku biiristiisa Gunners.

Willian ayaa noqon doona xiddig Arsenal ah maalmaha soo socda isaga oo noqon doona saxiixii ugu horeeyay ee Mikel Arteta ee xagaagan.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa saxiixay heshiis 3 sano ah oo uu mushahar ahaan todobaadkii ugu qaadan doono lacag dhan 120 kun oo Gini.

Sii Akhriso: XASAASI: Maxaabiis Al-Shabaab Ah Oo La Wareegay Maamulka Cabsiga Dhexe Ee Muqdisho & Wararkii Ugu Dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*