DEG-DEG: Willian Oo Iska Diiday Heshiis Cusub Oo Ay Chelsea U Soo Bandhigtay & Arsenal Oo Ka Faa’iidaysanaysa Arintaas.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willain ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday dalab cusub oo ay chelsea u soo bandhigtay si uu qalinka ugu duugo heshiis cusub.

Willian oo uu heshiiskiisa haatan ee Blues dhici doono todobaadka dambe ayaan wax ogolaan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Chelsea haatan Willian Miiska u saartay heshiis cusub oo gaadhaya ilaa xagaaga 2022 si uu u sii joogo kooxda.

Laakiin xiddiga reer Brazil ayaa isla markiiba diiday dalabkaas isaga oo ku adkaysanaya in uu doonayo heshiis ilaa xagaaga 2023 ah.

Warkan ayaa imanaya maalmo kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in ay chelsea ku dhawdahay in ay Willian ku qanciso in uu qalinka ku duugo heshiis cusub.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Kooxda Arsenal isla haatan wadahadalo kula jirto wakiilada Willian si ay ula saxiixato xiddiga marka uu dhoco heshiiskiisu todobaadka dambe.

Sii Akhriso: Somaliya Oo Mar Kale Hawada Ka Celisay Diyaarad Kenya Ka Socotay & Sababta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*