DEG-DEG: Wararka Hordhaca Ah Ee Laga Helay Shaxda Xulka England & Gareth Southgate Oo Isbadal Samaynaya.

Tababaraha Xulka Qaranka England ee Gareth Southgate ayaa lagu soo waramayaa in uu si lama filaan ah dib ugu soo celin doono shaxdiisa xiddiga Kieran Trippier final-ka euro 2020 ay la ciyaari doonaan xulka Italy isaga oo shaxdiisa dib ugu celinaya 3 difaac ah.

Trippier ayaa la sheegayaa in uu booska kala bixi doono xiddiga Bukayo Saka taas oo la macno ah in uu tababaruhu ku ciyaari doono 3 difaac dhexe ah halka uu sidoo kale Mason Mount ka cabsi qabo in uu waayo booskiisa.

Southgate Ayaa si guul ah u adeegsaday 3-da difaac wareegii 16-ka ee kulankii Germany laakiin 4 difaac ah ku ciyaaray kulamadii kale ee tartanka euro 2020.

Laakiin Southgate ayaa badalaya qorshihiisa isaga oo ku ciyaari doona 3 difaac marka ay xulkiisu weerarka ku jiraan halka ay 5 difaac ku ciyaari doonaan marka uu xulka Ital haysto.

Xiddigaha Trippier iyo Luke shaw ayaa ka ciyaari doona garabaha difaaca halka xiddigaha Kalvin Philipps iyo Decland Rice ka ciyaari doonaan khadka dhexe ee daafaca.

Xiddigaha Raheem Sterling, Harry kane iyo Saka ama Mount ayaa ka ciyaari doona weerarka xulka kulanak caawa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*