DEG-DEG: Wakiilada Erling Haaland Oo Haatan Ka Soo Dagay Magaalada Koox Si Weyn Loola Xidhiidhinayo Xiddiga Da’yarka Ah.

Wakiilka xiddiga da’yarka ah ee Erling Braut Haaland iyo waliba Aabihiis ayaa lagu arkay iyaga oo ka soo dagaya madaarka magaalada Barcelona xilli sii xoogaysanayaan wararka Barcelona la xidhiidhinaya saxiixa xiddiga Da’yarka Ah.

Haaland ayaa qabtay indhaha kooxo badan oo reer yurub ah kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan kuna dhaliyay 33 gool 31 kulan oo tartamada oo dhan uu u ciyaaray kooxda Borussia Dortmund

Xiddiga reer Norway ayaa lau bur-burin karaa heshiiskiisa kooxda Dortmund lacag dhan 68 milyan inkasta oo ay Borussia Dortmund doonayso lacag kor u dhaafta 150 milyan oo euro.

Wargayska Daily Mail ayaa haatan sheegaya in wakiilka Haaland ee Mino Raiola iyo waliba Aabaha xiddiga Alf-Inge Haaland ayaa lagu arkay magaalada Barcelona si ay wadahadalo ula qaataan Barcelona ka hor furitaanka suuqa xagaaga.

Talaabadan ayaa la amcno ah in ay kooxda Barcelona haatan ugu cad-cadahay Saxiixa xiddiga wacdaraha ka dhigaya xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Sii Akhriso: U Gaar Ragga: 4 Qodob Ee Ugu Muhiimsan Aas-aaska U Ah Ee Xulashada Xaaska Kugu Haboon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*