DEG-DEG: Wakhtiga La Bilaabi Doono Xilli Ciyaareedka Cusub Ee Premier Legaue Oo La Shaaciyay.

Kooxaha premier League ayaa ogolaaday in xilli ciyaareedka cusub la bilaabo bisha September.

20-ka Kooxood ee premier League ayaa maanta wada qabtay shir ay ku qaateen qaabka maqalka iyo muuqaalka iyada oo haatan la xaqiijiyay in horyaalka premier League bilaaban doono 12 bisha September.

Waxa la fahamsanyahay in tartanka Community Shield la ciyaari doono 30 bisha August iyada oo kooxaha premier League qaar ka soo baaxayaan tartanmada yurub.

Laakiin taageerayaasha iyo kooxaha ayaa muddo ka yar bil ku ogaan doona jadawalka buuxa ee premier League xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu isku raaceen in 21 bisha August la soo saaro jadwalka kulamada xilli ciyaareedka dambe.

Si kasta ha ahaatee Maamulka Premier League ayaa marka hore sugi doona natiijada kulamada kala baxa ee Championship-ka si loo ogaado kooxda 3-aad ee u soo dalici doonta xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: XASAASI: Somaliya Oo Ciidamo U Dirtay Dalka Liibiya Oo Uu Dagaalka Xoogan Ka Socdo & Hooyooyin Xaqiijiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*