
Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in wadahadaladii Manchester United ee ku aadanaa saxiixa weeraryahanka Brentford Bryan Mbeumo uu hakad ku yimid Kadib khilaaf labada kooxood oo ka hadhay qiimaha xiddiga.
Manchester United ayaa todobaadyadii la soo dhaafay soo gudbisay laba dalab oo rasmi ah oo ay ku doonaysay Mbeumo, kaas oo kii ugu dambeeyay uu ahaa 55 milyan oo euro laakiin Brentford ayaa diiday dalabkaas waxaanay sare u qaaday dalabaadkooda dhaqaale ilaa 70 milyan oo euro.
Wargeyska ayaa xusay in maamulka Manchester United ay ku adkeysteen in heshiiska uusan dhaafin 65 milyan oo euro taas oo keentay in wada-xaajoodku joogsadaan.
Waxaa xusid mudan in Mbeumo, oo 25 jir ah, uu xilli ciyaareed heersare ah la qaatay Brentford, isagoo u saftay 42 kulan tartamo kala duwan, wuxuuna dhaliyay 20 gool.
Waxa uu sidoo kale xiiso ka helayaa kooxda reer England ee Tottenham Hotspur.
Be the first to comment