
Trent Alexander-Arnold ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.
26-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa uu dhacayaa xagaagan, halka saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk ay saxiixeen heshiisyo cusub, waxaa muddo dheer la sheegayay in Alexander-Arnold ay u badan tahay inuu ka tago kooxda.
U dhaqaaqista Real Madrid ayaa ahayd natiijada la filayo in ay soo baxdo in muddo ah, taas oo hadda si weyn u soo dhawaatay, sida Alexander-Arnold uu ku sheegay bartiisa bulshada inuu ku dhawaaqay go’aanka uu kaga tagayo kooxdiisii yaraantiisii.
Waxa uu soo dhigay: “Kadib 20 sano oo aan joogay Liverpool Football Club, hadda waa waqtigii aan xaqiijin lahaa in aan bixi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan”.
“Tani waa si fudud go’aankii ugu adkaa ee aan gaaro nolosheyda, waan ogahay in qaar badan oo idinka mid ah ay la yaaban yihiin sababta ama aad uga niyad jabeen inaanan weli ka hadlin arrintan, laakiin had iyo jeer waxay ahayd ujeedkeyga inaan diirada saaro danaha ugu fiican ee kooxda, taas oo ahayd xaqiijinta No.20”.
“Naadigu wuxuu ahaa nolosheyda oo dhan – adduunkeyga oo dhan – muddo 20 sano ah. Laga soo bilaabo Akadeemiyada ilaa hadda, taageerada iyo jacaylka aan ka dareemay qof kasta oo gudaha iyo dibadda ah ayaa i sii jiri doona weligiis”.
Alexander-Arnold ayaa ku biiray akadeemiga Liverpool isagoo jira lix sano wuxuuna u saftay 352 kulan.
Be the first to comment