DEG-DEG: Thomas Partey Oo Warqada Bixitaanka U Gudbiyay Si Uu Ugu Biiro Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka heshay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey saacado ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagu.

Thomas Partey ayaa kooxdiisa Atletico Madrid u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Arsenal ka hor inta uuna dhamaan suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dhankeeda mar kale isku dayi doonto in ay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Thomas Partey ayaa maamulka Atletico Madrid u gudbiyay warqada bixitaanka isaga oo ka dalbaday in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Arsenal xagaagan.

1 Comment

  1. Suuqa premier league wuu furnaanaya ilaa 16 Bishan laakiin waxa ka xirmaya iney dibada wax kasoo iibsadaan halkaa naga saxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*