DEG-DEG: Tababaraha Shaqada PSG Ka Badali Doona Thomas Tuchel Oo La Ogaaday.

Kooxda PSG ayaa shaqada ka caydhisay tababare Thomas Tuchel saacado kadib markii ay kooxdu guusha weyn ka gaadhay kooxda Strasbourg kulan ka tirsanaa horyaalka Ligue 1.

Kooxda PSG ayaa shaqada ka caydhisay tababaraha reer Germany kadib qaab ciyaareed xun oo ay soo bandhigtay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Wargayska RMC ayaa haatan sheegaya in tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino uu noqon doono tababaraha cusub ee kooxda PSG.

Tababaraha reer Argentine Mauricio Pochettino Ayaa bilaa shaqo ahaa tan ilaa markii uu ka tagay shaqa tababaranimo bilowgii xilli ciyaareedkii hore.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda PSG wadahadalo horumar leh kula jirto tababare Mauricio Pochettino lagana yaabo in lagu dhawaaqo saxiixiisa saacadaha soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*