DEG-DEG: Taageerayaasha Man United Oo Xidhay Garoonka Tababarka Ee Man United Kadib Fashilkii European Super League

Taageeryaaasha kooxda Man United ayaa xidhay gabi ahaan garoonka tababarka kooxda Man United ee Carrington iyaga oo xiddigaha u diiday in ay qaataan tababarkoodii subaxnimada sabab la xidhiidha mudaharaad ay uga soo hor jeedaan Bur-burkii taranka European Super League.

Mudaharaadayaasha ayaa ka soo hor jeeda Milkiilayaasha kooxda ee Qoyska Glazer kuwaas oo ka qayb ahaa aas-aasayaashii tartanka European Super League ee fashilmay.

Milkiilayaasha ayaa raali galin ka bixiyay ka qayb ahaanshohooda tartanka European Super League laakiin taageerayaasha ayaa wali ka xanaaqsan go’aanka ay milkiilayaashu kaga qayb galeen tartanka.

Taageerayaasha ayaa isugu soo baxay Garoonka tababarka kooxda iyaga oo soo qaatay boodhadha waliba diiday in ay ka hor dhaqaaqaan si ay xiddiguhu u bilaabaan tabaabrkooda isku diyaarinta kulanka Premier League.

Taageerayaasha ayaa soo qaatay boodhadh ay ku qoranyihiin “Glazers Baxa”.

“Anaga ayaa go’aaminayna marka aad ciyaaraysaan”.

“51% Taageerayaasha Man United ha la siiyo” iyaga oo doonaya qorshaha horyaalka Bundesliga oo 51% iska leeyihiin taageerayaasha kooxda.

Manchester United fans have gathered at the club's Carrington training ground to protest

The group of supporters - here by the first-team pitch - held banners saying 'Glazers Out'

Fans gathered with all the banners outside the entrance to Carrington on Thursday morning

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*