DEG-DEG: Sergio Ramos Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Kooxdiisa Cusub.

Xiddiga Sergio Ramos ayaa u muuqda mid ku sii dhawaanaya ku biirista kooxda PSG isaga oo qaab xor ah ugu biiri doona kooxda reer France kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray Real Madrid.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegaysa in uu xiddiga Sergio Ramos tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda PSG Maanta oo jimce ah kadib qalinka ku duugi doono heshiis 2 sano ah oo uu ugu biiri doono kooxda.

Ramos ayaa shalay gaadhay maagalada Paris iyada oo uu wakiilkiisa ahna walaalkiisa wadahadalo kula jiray kooxda PSG si uu heshiiska shaqsiga ah ula gaadho kooxda reer France sidoo kale guri uga raadiyo magaalada Paris.

Haatan ayaa la xaqiijiyay in uu xiddiga reer Spain tijaabada caafimaadka u mari doono maanta oo jimce ah si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda PSG.

Kooxda PSG ayaa saxiixa xiddiga ku garaacday kooxo ay ka mid yihiin Bayern Munich, Man United, Juventus iyo kooxo kale oo doonayay saxiixa xiddiga reer Spain.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*