DEG-DEG: Sergio Ramos Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxda PSG.

Kooxda PSG ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca Sergio Ramos kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegtay kooxda Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa ku biiray kooxda PSG kadib markii uu dhamaaday heshiiskiisii kooxda Real Madrid kadib 16 sano oo uu ku qaatay kooxda Los Blancos.

Kooxda Reer France ayaa xaqiijisay in ay xiddiga Sergio Ramos ka saxiixatay heshiis ilaa xagaaga 2023 ah isaga oo noqday saxiixii 2-aad ee kooxda PSG suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sergio Ramos ayaa la filayaa in uu kooxda PSG u xidho Lambarka No.4 oo uu u qaadan jray kooxda Real Madrid intii uu joogay gaar ahaan sanadihii ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*