DEG-DEG: Real Madrid Oo Xaqiijisay In Xanuunka Korona Laga Helay Xiddig Muhiim U Ah Kooxda.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in xanuunka Korona laga helay Laba xiddiga oo kooxda 1-aad ee kadib baadhitaan lagu sameeyay xiddigaha.

Real Madrid ayaa xaqiijiyay in xiddigaha Eden Hazard iyo Casimero laga helay xanuunka adduunka wareeriyay ee Korona kadib baadhitaankii ugu dambeeyay.

Kooxda Real Madrid ayaa wajahaysa kooxda Valencia maalinta Axada kulan ka tirsan horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoonka Mestalla.

Dhamaan xiddigaha kooxda Real Madrid ayaa maray baadhitaanka xanuunka Korona waxana laga helay xiddigaha Eden Hazard iyo Casimero.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Real Madrid marka loo eego in ay labada xiddig muhiim u yihiin kooxda gaar ahaan in ay ciyaarayso kulan muhiim ah.

Sii Akhriso: Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble Oo Magacaabay Guddida Doorashooyinka Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*