DEG-DEG: Real Madrid Oo Shaacisay Dhaawac Xiddig Kale Saacado ka Hor Kulanka Atalanta

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay dhaawac soo gaadhay xiddig kooxdeeda ah saacado ka hor kulanka lugta 2-aad ee wareega 16-ka ee champions league ee ay la ciyaari doonaan kooxda Atalanta champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Atalanta caawa kulan soo gali doonaa 11:00 habeenimo wakhtia geeska Africa.

Real Madrid ayaa warbixin ku soo saarta dhaawaca xiddiga Rodrygo Saacado ka hor kulanka campions League iyada oo la xaqiijiyay in uu xiddigu ka dhaawacmay muruqa.

Xiddiga Rodrygo ayaa ka mid ahaa Liiska xiddigaha uu Zidnae u soo xushay kulanka caawa ee champions League si uu ugaga hor tago kooxda Atalanta.

Laakiin xiddiga ayaa haatan la xaqiijiyay in laga saaray Liiska kadib dhaawac soo gaadhay xiddiga da’yarka ah ee reer Brazil kadib dhaawacii muruqa ahaa ee soo gaadhay.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*