DEG-DEG: Real Madrid Oo Loo Soo Bandhigay Saxiixa Cristiano Ronaldo & Faah-Faahinta Hehsiiska

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo suuqa January.

Man United ayaa ka fiirsanaysa in ay kansasho heshiiska Cristiano Ronaldo kadib waraysigii muranka badan dhaliyay ee uu sameeyay xiddigu.

Sida laga soo xigtay wargayska Sport, wakiilada Cristiano Ronaldo ayaa saxiixa xiddiga u soo bandhigay Real Madrid si ay u helaan saxiixa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Real Madrid heli doonto saxiixa Ronaldo heshiis 6 bilood ah si ay ugu buuxiyaan booska Karim benzema oo dhaawac ku dhibaatoonaya xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale Cristiano ayaa diyaar u ah isla markaas doonaya in uu ku laabto Real Madrid halkaas oo ah meeshii uu koobab badan ugu guulaystay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*