DEG-DEG: Real Madrid & Koox Premier League Ah Oo Ka Heshiiyay Saxiixa Xiddig Baxsad Ka Ah Los Blancos

Kooxda Tottenham ayaa heshiis guud la gaadhay kooxda Real Madrid si ay u hesho saxiixa xiddiga daafaca Bidix ee Sergio Reguilon sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu xiddiga daafaca bidix ka ciyaara haatan isku diyaarinayo in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Tottenham kadib markii ay labada kooxood ka heshiiyeen qiimaha xiddiga oo ku kacaya 30 milyan oo euro.

Isla wargayska ayaa sheegaya in aan la filayn wax dib u dhac ah oo ku dhaca heshiiska laguna dhawaaqi doono kaalinta khamiista ah.

Kooxda Man United ayaa ku dhawaatay saxiixa xiddiga laakiin waxa ay diiday in ay heshiiska ku darto shardiga Real Madrid ee dib ula soo saxiixashada xiddiga mustaqbalka dhaw.

Laakiin Tottenham ayaa ogolaatay shardigaas Waxana ay Real Madrid xiddiga dib ugula wareegi kartaa mustaqbalka 35 ilaa 40 milyan oo euro.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*