DEG-DEG: PSG Oo Soo Bandhigtay Saxiixa Lionel Messi & Lambarka Uu U Qaadan Doono Kooxda Oo La Shaaciyay.

Kooxda PSG ayaa si Rasmi ah u so bandhigtay saxiixeeda cusub ee Lionel Messi kaas oo lagu soo bandhigay garoonka kooxda.

Lionel Messi ayaa ku biiray kooxda PSG kadib markii uu dhacay heshiiskiisii hore ee kooxda Barcelona 30 bishii June ee la soo dhaafay.

Kooxda PSG Ayaa xaqiijisay in uu xiddiga reer Argentine qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah iyo hal sano oo dookh ah oo uu saxiixi doono marka uu dhamaado heshiiskiisu.

Sidoo kale kooxda PSG ayaa Si Rasmi ah u xaqiijisay in uu Lionel Messi kooxda PSG u xidhan doono Lambarka No.30 oo inta uu joogo kooxda ka dhisan caasimada France.

Lambarka No.30 ayaa ah Lambarkii uu Lionel Messi ku bilaabay xirfadiisa ciyaareed markii ugu horaysayna u xidhay kooxda Barcelona markii loo soo dalacay kooxda 1-aad.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6 Arin Oo Ay U Fiirsadaan Raggu Kulankiina Ugu Horeeya, Ku Dadaal Inta Awoodaada Ah Si Aanu Kaaga Boodin Ninku.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*