DEG-DEG: PSG Oo Bilowday Wadahadalo Ay Ku Doonayso Saxiixa Romelu Lukaku.

Kooxda PSG ayaa wadahadalo Rasmi ah bilowday si ay ula soo saxiixato weeraryahanka kooxda chelsea ee Romelu Lukaku sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa ku fashilmay chelsea kadib markii uu xagaagii hore kooxda ugu soo laabtay lacag dhan 97.5 milyan euro.

Xiddiga ayaa ka dambeeya shaxda chelsea xiddiga Kai Havertz waxana la sheegayaa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Bu!, maamulka PSG ayaa wadahadalo Rasmi ah la furay wakiilka xiddiga si ay u helaan saxiixiisa marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda PSG ayaa Romelu  Lukaku u doonaysa badalka xiddiga Kylian Mbappe kaas oo isaga tagaya kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu heshiiskiisu dhoco.

Xiddiga ayaa si cadaan ah u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago chelsea isaga oo sheegay in uu jecelyahay in uu ku laabto Inter laakiin PSG ayaa haatan hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixiisa.