DEG-DEG: Ozan Kabak Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Kooxda Liverpool.

Kooxda Liverpool ayaa ah kooxda ugu mashquulka badan suuqa kala iibsiga maanta oo ah maalintii ugu dambaysay suuqa January iyaga oo ku dhaw in ay dhamaystiraan saxiixa daafacii 2-aad.

Kooxda Liverpool ayaa xalay dhamaystirtay saxiixa daafaca Ben Davies kaas oo haatan ku sugan Liverpool si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Reds.

Laakiin Davies ayaan noqon doonin saxiixa kaliya ee ay Liverpool samayso maanta waxana ay haatan ku dhawdahay daafaca kooxda Schalke ee Ozan Kabak.

Shabakaya Sport ayaa haatan xaqiijisay in la arkay xiddiga Ozan Kabak oo sii galay Dakhtar ku yaala magaalada Schalke si uu Liverpool tijaabada caafimaadka ugu maro.

Labada kooxood ayaa ka heshiiyay saxiixa xiddiga oo amaah ugu soo biiri Doona Liverpool ka hor inta ayna si toos ah ula wareegin xiddiga xagaaga.

Laakiin Dhamaystirka Liverpool ee saxiixa Ozan Kabak ayaa ku xidhan in ay Schalke marka hore hesho badalkiisa kaas oo ah Xididga Arsenal ee Mustafi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*