DEG-DEG: Ousmane Dembele Oo Isaga Tagaya Barcelona & Xiddig Oo Maamulka Kooxdiisa U Sheegay.

Agaasimaha Kooxda Barcelona ee Mateu Alemany ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Ousmane Dembele go’aansaday in uu isaga tago kooxda Barcelona kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Go’aanka xiddiga ayaa yimid saacado ka dib markii laga ganaaxay in uu ka qayb qaato kulanka Copa del Rey-ga ee ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Athletic Bilbao.

Agaasimaha kooxda Barcelona Mateu Alemany ayaa yidhi: “Waan fahansanahay in go’aanka Dembélé aanu ahayn in uu sii joogo kooxda, Go’aanka kooxdana waa la gaadhsiiyay isaga”.

“Waxaan dooneynaa ciyaaryahano ay ka go’antahay in ay u ciyaaraan kooxda waxa aan u sheegnay in uu kooxda uga tago sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaan filaynaa in Ousmane la iibin doono ka hor Jan 31″.