DEG-DEG: Mudada Uu Raphael Varane Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday.

Raphael Varane Ayaa lagu soo waramayaa in uu garoomada ka maqnaan doono dhawr todobaad kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay Caqawga sida ay Man United xagiijisay.

Daafaca reer France ayaa ku dhaawacmay kulanki Final-ka ee uu xulka qarankiisu la ciyaarayay Spain tartanka UEFA Nations League.

Varane ayaa dhaawacmay isaga oo aan cidna kula loolamayn kubada waxana laga saaray ciyaarta kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Xiddiga ayaa ku soo laabtay Manchester waxana lagu sameeyay baadhitaas taas oo xaqiijisay dhaawac canqawga ah oo soo gaadhay xiddiga taas oo qaadan doonta dhawr todobaad si uu u soo kabsado.

“Raphael Varane Waxa soo gaadhay dhaawac Canqawga ah intii lagu jiray kulankii UEFA Nations League”.

“Waxa uu bilaaban doonaa soo kabsashada waxana uu maqnaan doonaa dhawr todobaad”ayay Man United warbixin ku soo saartay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*