DEG-DEG: Michael Olise Oo Iska Diiday Chelsea.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay lumisay tartankii ay kula soo saxiixan lahayd xiddiga Crystal Palace ee Michael Olise kaas oo go’aansaday in uu ku biiro Bayern Munich iskana diiday Chelsea.

Olise ayaa u saxiixay Palace isagoo ka yimid Reading 2021 wuxuuna si deg deg ah ula qabsaday Premier League, isagoo si joogta ah uga mid noqday kooxda koowaad waqtigiisii ​​​​London.

Xiddiga soo qaatay xilli ciyaareedkii dhamaaday qaatay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isaga oo dhaliyay 10 gool halka uu caawiye ka noqday 5 kale.

Qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayaa soo jiitay kooxo badan oo doonaya saxiixiisa.

Chelsea ayaa ahayd kooxda ugu cad-cad saxiixiisa iyaga oo diyaar u ahaa in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga.

Laakiin Xiddiga ayaa iska diiday Chelsea waxana uu go’aansaday in uu ku biro Kooxda Bayern Munich.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga