DEG-DEG: Mesut Ozil Oo Ugu Dambayn Isaga Caraabay Emirates

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa ugu dambayn isaga tagay kooxda Arsenal kadib wakhti adag oo uu ku qaatay Gunners sanadihii ugu dambeeyay.

Mesut Ozil ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu ku biiro kooxda Fenerbahce sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy.

Ozil ayaa la sheegayaa in uu xiddiga reer Germany ogolaaday heshiis 3 sano ah oo uu u saxiixi doono kooxda Fenerbahce.

Wargayska NTVSpo ayaa sheegaya in ay Ozil iyo Fenerbahce gabi ahaan ka heshiiyeen wax walba oo heshiiska ah haatana isku diyaarinayo in uu si Rasmi ah ugu biro.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Germany Mesut Ozil ayaa soo afjaraya 8 sano oo uu joogay kooxda Arsenal kulana guulaystay 4 FA Cup.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*