DEG-DEG: Maxkamada Kubada Cagta CAS Oo Go’aan Ka Gaadhay Racfaankii Man City Ka Gudbisay Ganaaxii Champions League.

Maxkamada kubada cagta adduunka ee CAS ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ganaaxii laga qaaday kooxda Man City iyada oo haatan si Rasmi ah loo xaqiijiyay go’aankaas.

Kooxda Man City ayaa bishii February ee sanadkan 2020 laga ganaaxay tartanka champions League muddo 2 sano ah iyo waliba 30 milyan oo euro kadib markii ay kooxdu jabisay xeerka dhaqaale wanaaga.

Maxkamada kubada cagta ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijisay in aan Man City laga ganaaxi doonin tartanka champions League laakiin kaliya lagu ganaaxay lacag kaash ah.

Waxa intaas sii dheer in Man City lagu ganaaxay kaliya lacag dhan 10 milyan oo euro taas oo ah lacag aad uga yar lacagtii 30-ka milyan ahayd ee ay UEFA ku ganaaxday Man City.

Sidaas darteed Man City ayaa si caadi ah uga qayb gali doonta tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe iyo wixii ka dambeeya.

Sii Akhriso: War Murtiyeedka Laga Soo Saaray Shirkii Dhuusamareeb Uga Socday Maamul Goboleedyada Xubnaha Ka Ah Dowlada Federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*