
Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Amad Diallo kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Atalanta.
Xiddiga Muslim-ka ah ee reer Ivory Cost ayaa qalinka ku duugay heshiis uu kooxda Man United ku joogi doono ilaa xagaaga 2025.
Man United ayaa markii hore Atalanta kala heshiisay saxiixa xiddiga suuqii xagaaga laakiin waxa uu xiddigu sugayay warqada shaqada England.
Xiddiga Amad Diallo oo 18 jir ah ayaa ugu dambayn dhamaystiray ku biiristiisa kooxda Man United iyada oo kooxdu maanta si Rasmi ah u soo bandhigtay.
Be the first to comment