DEG-DEG: Man United Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Lisandro Martinez

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Lisandro Martinez kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Ajax.

Lisandro Martinez ayaa noqday saxiixii 3-aad ee ay samayso Man United suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii ay shaacisay saxiixa xiddiga.

Man United ayaa Lisandro Martinez ka soo bixisay lacag dhan 55 milyan oo euro kadib markii uu Erik Ten Hag doortay in loo keeno xiddiga.

Xiddiga reer Argentine ee Lisandro Martinez ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Man United ayaa saxiixa Lisandro Martinez ku garaacday Arsenal kuwaas oo doonayay saxiixiisa si ay ugu xoojiydaan daafaca.

Xiddiga Lisandro Martinez ayaa ah xiddig awood u leh in uu ka ciyaaro dhawr boos kuwaas oo kala ah daafaca dhexe, khadka dhexe iyo waliba daafaca Bidix.