DEG-DEG: Man United Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Jadon Sancho.

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay Heshiis Rasmi ah la gaadhay Borussia Dortmund si ay uga hesho saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Jadon Sancho.

Dhamaystirka heshiiska ayaa haatan u dhasantahay tijaabada caafimaadka maadama uu jadon Sancho ka qayb qaadanayo tartanka Euro 2020 oo uu u matalayo tijaabada caafimaadka.

Laakiin Man United ayaa Dortmund kala heshiisay saxiixa xiddiga iyada oo uu xiddiga 21 jirka ah qalinka ku duugi doono heshiis ilaa xagaaga 2026 ah.

Sancho ayaa ku soo biiray Man United kadib markii ay kooxdu ku raad joogtay saxiixa xiddiga Muddo 12 bilood ah kadib markii ay wayday saxiixiisa xagaagii hore.

United ayaa haatan bogeeda Inter-net-ka ku xaqiijisay in ay Dortmund kala heshiisay saxiixa xiddiga reer England kaas oo ay ka dhigtay saxiixeeda 3-aad ee ugu qaalisan taariikhdeeda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Calaamad Oo Muujinaysa In Uu Ninku Iska Dhigayo In Uu Ku Jecelyahay Laakiin Uuna Wax Jacayl Ah Kuu Hayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*