DEG-DEG: Man United Oo Wadahadalo La Furtay Matthijs de Ligt

Kooxda Man United ayaa wadahadalo la furtay xiddiga daafaca uga ciyaara Bayern Munich ee Matthijs de Ligt sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay Matthijs de Ligt ka dhigto saxiixyadeeda ay ku xoojinayso suuqa kala iibsiga xagaaga.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Man United wadahadalo la urtay wakiilka xiddiga Matthijs de Ligt si ay ugala heshiiyaan shuruudaha shaqsiga.

Xiddiga Matthijs de Ligt ayaa u furan ku biirista Man United xitaa hadii ayna kooxdu ka qayb galayn champions League.

Bayern Munich ayaa diyaar u ah dhinaceeda in ay iibiso daafaca Matthijs de Ligt inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Man United ayaa haatan la sugayaa in ay dalab Rasmi ah ka gudbiso daafaca dhexe ee xulka qarankiisa kala qayb galaya tartanka Euro 2024.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga