DEG-DEG: Man United Oo Ku Fashilmay Dalabkii Ugu Dambeeyay Ee Ay Ka Gudbisay Saxiixa Jadon Sancho.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United ka diiday dalab Rasmi ah oo dhan 91.3 milyan euro kaas oo ay Red Devils ku doonaysay saxiixa xiddiga Jadon Sancho.

Red Devils aya kor u qaaday dadaalka ay ku doonayso xiddiga Jadon Sancho oo ah bartilmaameedka 1-aad ee kooxda iyaga oo dalab Rasmi ah miiska u saaray kooxda reer Germany.

Laakiin Dortmund ayaa wali ku adkaysanaysa in ay doonayso lacag dhan 120 milyan oo euro hadii ay iibinayso xiddiga 20 jirka ah.

Dortmund ayaa xagaagan oo dhan ku adkaysanaysay in aan xiddiga lagu iibin doonin wax ka yar lacagta ay doonayso.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegaysa in dalabkan yahay midkii ugu dambeeyay ee laga diido Red Devils kaas oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga.

Dhanka kale Sancho ayaa doonaya in uu ku biiro Man United laakiin aan doonayn in uu kooxda Dortmund ku qasbo in ay ka iibiso kooxda Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*