DEG-DEG: Man United Oo Ku Fashilantay Dalabkii Ugu Horeeyay Ee Ay Ka Gudbisay Raphaël Varane.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United ka diiday dalabkii ugu horeeyay ee ay Red Devils ka gudbisay saxiixa daafaca dhexe ee Raphaël Varane.

Man United ayaa aad u doonaysa saxiixa xiddiga Raphaël Varane kaas o ay doonayso in ay ku xoojiso daafaceeda dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Red Devils ayaa haatanab heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer France ee Raphaël Varane kaas oo doonaya in uu isaga tago kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Man United ayaa haatan Si Rasmi ah Real Madrid miiska ugu saartay dalab dhan 40 milyan oo euro iyo waliba 5 milyan oo Guno ah taas oo kor ugu kacaysa lacag dhan 45 milyan oo euro.

Laakiin wargayska Diarioas ayaa sheegaya in ay Real Madrid isla markiiba diiday dalabka Man United iyaga oo doonaya lacag intaas ka badan si ay u iibiyaan xiddiga.

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa lacag ku dhaw 70 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga Raphaël Varane oo uu hal sano ka dhiman yahay heshiiska uu kula joogo kooxda Los Blancos.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn

1 Comment

  1. War beenta dadka idinku xiran kadaaya fadlan real madred 70 malyan ciyaariyahan qandaraaskiisa 11 bilood ka harsantahay side ugu rabi karta madred 50 m to euro ayey ku rabta halka man utd 40 m to euoro ay rabto iney bixiso iyo 5m oo ku xirnaan doonta qaab ciyaareedkiisa iyo cobabka uu kula guuleysto

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*