DEG-DEG: Man United Oo Kansashay Heshiiska Cristiano Ronaldo

Kooxda Man United iyo xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa si Rasmi ah ugu heshiiyay in ay kala tagaan isla markaas kooxdu kansashay heshiiskii uu xiddigu kula joogay kooxda.

Cristiano Ronaldo ayaa waraysi muran badan dhaliyay bixiyay todobaadkii hore waxana uu weerar ku qaaday xiddigaha, kooxaha tababarhaa iyo waliba Milkiilayaasha kooxda.

Kooxda Man United ayaa haatan xaqiijisay in uu xiddiga Cristiano Ronaldo ka tagay kooxda kadib markii ay labada dhinac ka heshiiyeen in la kansalo heshiiska.

Man United ayaa warbixin ku soo saartay”Kooxda Man United waxa ay Cristiano Ronaldo uga mahad celinayaa wixii uu kooxda u qabtay labadii sano ee uu joogay”.

Xddiga Cristiano Ronaldo ayaa dhinaciisa baraha bulshada ku qoray”Kadib wadahadalo aan la aatay Man United waxa aan ku heshiinay in aan kansalno heshiiska”.

“Waan Jecelahay Man United iyo taageerayaashaba arintaasna marna is badali mwaydo”. “Waxa aan dareemayaa in ay gaadhay wakhtigii aan raadin lahaa tartan cusub”. “Waxa aan nasiib wacan u rajaynayaa Man United”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*