DEG-DEG: Man United Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay tababare Ole Gunnar Solskjaer kaas oo sii hogaamin doona kooxda sanadaha soo socda.

Man United ayaa xaqiijisay in uu tababare Ole Gunnar Solskjaer qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2024 ah iyo waliba hal sano oo dookh ah.

Red Devils ayaa Ole Gunnar Solskjaer ku abaalmarisay heshiis cusub kadib markii uu kooxda ku hogaamiyay kaalinta 2-aad ee premier League iyo waliba final-ka europa League xilli ciyaareedkii hore.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlaya heshiis kordhintiisa ayaa yidhi’Cid walba way ogtahay dareenka aan u qabo kooxdan, Waan ku faraxsanahay in aan heshiis cusub saxiixay, waa wakhti ay fiicantahay in la joogo Man United, waxa ana dhisaynayaa koox isku dheeli tiran oo khibrad iyo da’yar ah una gaajaysan guulo”.

“Ma sugi karo in aan mar kale hogaamiyo kooxdan Old Trafford oo buuxa xilli ciyaareedka cusub”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Tahay In Aad Ka Fogaato Nininow, Mida 4-aad Ayaa Ugu Halis Badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*