DEG-DEG: Man United Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Kooxda Man United ayaa dhamaystirtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.

Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Bologna ee Joshua Zirkzee kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay.

Kooxda Man United ayaa bixin doonta wax ka badan 40 milyan oo euro kadib markii ay heshiis la gaadhay kooxda Bologna.

Xiddiga Joshua Zirkzee ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo ku eg ilaa sanadka 2029 iyo hal sano oo dheeri ah.

Joshua Zirkzee ayaa ku soo biiraya Man United isaga oo noqonaya saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Man United xagaaga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga